Department of Revenue waxaa ka go'an inay xaqiijiso in dhamaan macaamiisha loola dhaqmo si xushmad leh oo ay heli karaan adeegyadeeda. Hadii aad dalbatay kaalmo oo AANAD helin adeegyada aad dalabtay, waxa aad gudbin kartaa cabasho.
Si aad u gudbiso cabasho
Onleyn: Isticmaal foomkan si aad u gudbiso cabasho
La hadal: 360-763-7300
Booqo xafiiska Waaxda Dakhliga (Department of Revenue, DOR) ee kuugu dhaw.
Isticmaalayaasha Teletype (TTY): 711
Hadii aad raaciso macluumaadka xidhiidhka, waxa aad filan kartaa in lagugu soo celiyo 2 maalmood oo shaqo gudo.