Xog ku saabsan Working Families Tax Credit shaqeynaaya
Working Families Tax Credit waxaa weeye celin cashuur oo cusub oo ka caawisa shaqaalaha Washington, iyo qoysaskooda in loosoo celiyo lacag wakhtiga cashuurta. Qaybta celinta lacagta cashuurta ee cashuurta iibka ee sanad kasta la bixiyo oo waxaa lagu saleeyay kadib barnaamijka Deeqda Daynta Cashuurta Dakhliga La Heley (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka.
Working Families Tax Credit (WFTC) waxa uu siiyaa lacag u dhaxaysa $300 ilaa $1,200 shakhsiga dakhliga hoose ama dhexe si ay u buuxiyaan shuruudaha u qalanka qaar.
Yaa u qalma?
Shakhsiyaadka iyo qoysaska u qalma Working Families Tax Credit Federalka ee buuxiyay dhamaan shuruudaha soo socda.
- Waa inuu qofku haysto Lambarka Sooshaal Sikuuritiga (Social Security Number, SSN) ama Lambarka Aqoonsiga Cashuur Biixyaha Shakhsiga ah (Individual Taxpayer Identification Number, ITIN).
- Degan tahay Washington ugu yaraan 183 maalmood cashuurta sanadkii (wax ka badan sanadkii).
- 25 ilaa 64 sano jir AMA u qalma ilmaha.
- Xareeyay cashuur celinta federalka 2022.
- U qalma dalabka Daynta Cashuurta Dakhliga La Heley (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka cashuur celintooda 2022 (ama buuxinaya shuruudaha EITC laakiin aan ku xaraynin ITIN).
- Qabo www.irs.gov/EITC si aad wax badan u ogaato.
Waa maxay shuruudaha dakhliga?
Xaddiga Canshuur Dhimista 2022 wuu kala duwan yahay wuxuna ku xiran yahay tirada carruurta u qalanta iyo heerka dakhliga.
Xaddiga dhimista ee ugu badan wuxu u dhexeeya $300 illaa $1,200, wuxuna ku xiran yahay tirada carruurta u qalanta. Xaddiyadan intaas ka dib waa la dhimaa si waafaqsan heerarka dakhliga, si la mid ah barnaamijka federaalka ee Xaddiga Canshuur Dhimista (Earned Income Tax Credit, EITC). Xaddiga dhimista ugu yar waa $50, iyada oo aan loo eegayn tirada carruurta u qalanta. Shuruucda Washington ee caruurta u qalanta ee raaca shuruudaha EITC ee federalka.
Codsadayaashu waa inay kasbadaan wax ka yar dakhliyadan soo socda si ay u helaan canshuur dhimis.
| Tirada carruurta u qalanta | Keli ah, Madaxa Qoyska, Xaas leh(canshuurta kala gaar u buuxinaya) | Xaas leh (isla buuxinaaya) | Lacagta ugu badan ee la celin karo |
|---|---|---|---|
| 0 | $16,480 | $22,610 | $300 |
| 1 | $43,492 | $49,622 | $600 |
| 2 | $49,399 | $55,529 | $900 |
| 3 | $53,057 | $59,187 | $1,200 |
Sidee loo dalbanayaa?
Onleyn
Dalbashada iyada oo la isticmaalayo My DOR, nidaamkeena xaraynta ee onleynka ah ee amaanka ah. Waxaa lagu heleyaa Ingiriisi iyo Isbaanish.
Waraaqo
Soo dejiso arjiga PDF-ka si aad usoo dirto ama gacanta ka keen goobaha xafiiska (Ingiriisi iyo Isbaanish). Soo dejiso barnaamijka iyo tilmaamaha:
Efile
Dalbo adiga oo isticmaalaya sooftweerka diyaarinta. Eeg shirkadaha aad ka dalban karto. Helitaanka shirkad diyaarinta cashuurta a (Ingiriisi iyo Isbaanish). Fadlan la soco shirkadahan inay kharash kaaga qaadi karaan isticmaalka adeegyadooda. Hel kaalmada xaraynta cashuurta oo bilaash ah ama qiimo jaban (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Hel kaalmo
- Hel kaalmo bulshadaada ah
- Khidmad dheeraad ah oo khidmada ah
- Ogolaanshaha Macluumaadka Cashuurta ee Sirta ah.
- Miyaad hore u gudbisay arjigaaga? Eeg xaaladaada guditaanka (Ingiriisi iyo Isbaanish).
- Dalbo qaab kale ama luuqad kale iyada oo ah
- Dalbo qiimayn
- Gudbi cabashada