Lacag Soo Celinta Canshuurta Qoysaska Shaqeeya (Working Families Tax Credit, WFTC) waa guditaanka cashuurta ee ka caawiya shaqaalaha reer Washington, iyo qoysaskooda inay helaan lacag dheeraad ah oo loosoo celiyo wakhtiga cashuurta. Gudista cashuurta qayb kamid ah cashuurta iibka ee sanad walba oo waxaa loo qaabayay barnaamijyada Daynta Cashuurta Dakhliga Kusoo Galay (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka.
Lacag Soo Celinta Canshuurta Qoysaska Shaqeeya waxa uu siiyaa lacag u dhaxaysa $325 ilaa $1,290 shakhsiga dakhliga hoose ama dhexe si ay u buuxiyaan shuruudaha u qalanka qaar.
Yaa u qalma?
Shakhsiyaadka iyo qoysaska u qalma Working Families Tax Credit Federalka ee buuxiyay dhamaan shuruudaha soo socda.
- Waa inuu qofku haysto Lambarka Sooshaal Sikuuritiga (Social Security Number, SSN) ama Lambarka Aqoonsiga Cashuur Biixyaha Shakhsiga ah (Individual Taxpayer Identification Number, ITIN).
- Degan tahay Washington ugu yaraan 183 maalmood cashuurta sanadkii (wax ka badan sanadkii).
- 25 ilaa 64 sano jir AMA u qalma ilmaha.
- Xareeyay cashuur celinta federalka 2024.
- U qalma dalabka Daynta Cashuurta Dakhliga La Heley (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka cashuur celintooda 2024 (ama buuxinaya shuruudaha EITC laakiin aan ku xaraynin ITIN).
- Qabo www.irs.gov/EITC si aad wax badan u ogaato.
Waa maxay xadiga dayntu?
Xadiga dayntu way kala duwan tahay oo waxay ku xidhan tahay tirada caruurta u qalanta iyo heerka dakhliga.
Xadiga ugu badan ee dayntu waxay u dhaxaysaa $325 ilaa $1,290 taas oo ku xidhan tirada caruurta u qalanta (eeg shaxda hoose). Xadiyan kadibna waa la yareeyaa iyada oo ku xidhan xadiga dakhliga, oo ku salaysan barnaamijka EITC ee federalka.
Daynta ugu yar waxaa weeye $50, iyada oo aan la eegeynin tirada caruurta u qalanta. Shuruucda Washington ee caruurta u qalanta ee raaca shuruudaha EITC ee federalka.
Tirada caruurta u qalanta | Dalbaduhu waa inuu qaataa wax kayar ku soo socda | Xadiga daynta ugu badan | |
---|---|---|---|
Kali | Xaas (Wada xarayn) |
||
0 | $18,591 | $25,511 | $325 |
1 | $49,084 | $56,004 | $640 |
2 | $55,768 | $62,688 | $965 |
3 | $59,899 | $66,819 | $1,290 |
Codso sanad cashuureedka hore 2023 2022
Hel kaalmo
Hel kaalmo bulshadaada ah
Waxa aanu kala shaqaynay hay'adahan deegaanka ah (Ingiriisi iyo Isbaanish) si aad u bixiso kaalmo deegaanka ah iyo wacyi gelin ku saabsan Working Families Tax Credit. Waxa aanu bixin karnaa waxbarasho iyo kaalmo xaraynta arjiyada ah.
Khidmad dheeraad ah oo khidmada ah.
Marka laga tago cida aanu kala shaqayno bulshadeena, waxaa jira khayraad dheeraad ah oo waxaa kamid ah diyaarinta cashuurta dadka wakhtigooda ku deeqa iyo khayraadka dhaqaale. Macluumaad dheeraad ah ka oggow (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Paano hihiling ng pagsusuri
Hadii aad doonayso in qof kala nalaga hadlo arjigaaga ama macluumaadka xisaabtaa WFTC, waa inaad na siisaa ansixin qoraal ah adiga oo isticmaalaya foomkeema: Ogolaanshaha Macluumaadka Cashuurta ee Sirta ah (PDF).
Miyaad hore u gudbisay arjigaaga?
Eeg xaaladaada guditaanka (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Dalbo qaab kale ama luuqad kale iyada oo ah
Si aad u dalbato macluumaadkan oo qaab ama luuqad kale ah, la hadal 360-763-7300 ama iimeel u dir DORWFTC@dor.wa.gov, ama buuxi Foomka Dalabka Adeega Luuqada ama Qaabka Kale ah. Isticmaalayaasha Teletype (TTY) fadlan garaac 711.
Dalbo qiimayn
Hadii aanad ku qancin go'aanka ku saabsan arjigaaga WFTC, waxa aad xaq u leedahay inaad dalbato dib u eegid. Waxa aanu ugu yeedhnaa "dalabka dib u eegista."
Waxa aad dalban kartaa dib u eegista xaaladaha soo socda:
- Qiimaynta lacag badan qaadashada.
- Diidmada arjiga.
- Helitaanka wakhtiga go'aan ah oo ka socota waaxda.
Dalabka qiimaynta waa in lagu helaa 30 maalmood gudahood oo ka bilaabanta taariikhda go'aanka, sida taariikhda warqada ama amarka aad heshey. Dalabyada qiimaynta ee lagu soo diro US Postal Service oo loo arkaa taariikhda boosta inay tahay xaraynta. Dalabyada dib u eegista ee lagu xareeyay qaab kale waxaa loo arkaa xaraynta taariikhda la heley.
Sida loo dalbato dib u eegista
Si aad u dalabto dib u eegis, waa inaad xaraysaa dalabka qoraalka ah.
Lacag ka badan inta la ogol yahay qaadashada
Hadii laguu qiimaynayo lacag dheeraad ah oo lagu siiyay, waxa aad xarayn kartaa Dalabka Dib u Eegista adiga oo adeegsanaya mid kamid ah ikhtiyaarada soo socda:
- Onleyn ahaan iyada oo la isticmaalayo My DOR. Eeg tilmaamaha (Ingiriisi iyo Isbaanish).
- Waraaqo ahaan adiga oo istimcaalaya Dacwada Dib u Eegida Working Families Tax Credit.
Xaalado kale
Dhamaan xaaladaha kale, fadlan isticmaal Dacwada Dib u Eegida Working Families Tax Credit.
Wakiilka sharci
Waxa aad dalban kartaa wakiil ama qof kale oo ku matalaya (sida xisaabiye ama diyaariye cashuur). Laakiin, hadii aad leedahay wakiil, waa inaad buuxisaa oo aad saxeexdaa foomka Ogolaanshaha Macluumaadka Cashuurta ee Sirta ah (PDF) WFTC ee nasiinaya ogolaanshaha inaan kala hadalno macluumaadkaaga cashuurta wakiilkaaga. Si ay kuugu haboonaato, foomka dalabka waxaa la socda qaybta Ogolaanshaha Macluumaadka Cashuurta ee Sirta ah ee aad saxeexayso.
Nagu soo casuun si aanu uga hadalno
Si aad ugu soo casuunto cid ka hadasha oo adiga ama hay'adaada matalaysa, fadlan iimeel u dir DORWFTC@dor.wa.gov si aad u qabsato balan.
Wacyi Gelinta Gudida Latalinta
Waaxda Dakhliga (Department of Revenue, DOR) waxay u sheegtay Wacyi Gelinta Gudida Latalinta inay hormariyaan qaabka loola xidhiidhayo shakhsiyaadka dalbanaya Daynta Cashuurta Qoyska Shaqeeya (WFTC) iyo cida la shaqaysa si loogu sameeyo wacyi gelinta barnaamijka cusub. Macluumaad dheeraad ah ka oggow (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Gudbi cabashada
Hadii aad dalbatay, laakiin AANAD helin, adeegyada shaqaalaha ama wakiilka Department of Revenue iyada oo ah qaab kale ama luuqad kale (oo waxaa kamid ah adeegyada luuqada dhagoolka), waxa aad soo gudbin kartaa cabashadaada.
Su'aalo?
Iimeel DORWFTC@dor.wa.gov ama la hadal 360-763-7300. Adeegyada turjubaada ayaa la heleyaa.