Working Families Tax Credit (Cashuur Dhaafka Qoysaska Shaqeeya) waa guditaanka cashuurta ee ka caawiya shaqaalaha reer Washington, iyo qoysaskooda inay helaan lacag dheeraad ah oo loosoo celiyo wakhtiga cashuurta. Gudista cashuurta qayb kamid ah cashuurta iibka ee sanad walba oo waxaa loo qaabayay barnaamijyada Daynta Cashuurta Dakhliga Kusoo Galay (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka.

Working Families Tax Credit (WFTC) waxa uu siiyaa lacag u dhaxaysa $315 ilaa $1,255 shakhsiga dakhliga hoose ama dhexe si ay u buuxiyaan shuruudaha u qalanka qaar.

Yaa u qalma?

Shakhsiyaadka iyo qoysaska u qalma Working Families Tax Credit Federalka ee buuxiyay dhamaan shuruudaha soo socda.

  • Waa inuu qofku haysto Lambarka Sooshaal Sikuuritiga (Social Security Number, SSN) ama Lambarka Aqoonsiga Cashuur Biixyaha Shakhsiga ah (Individual Taxpayer Identification Number, ITIN).
  • Degan tahay Washington ugu yaraan 183 maalmood cashuurta sanadkii (wax ka badan sanadkii).
  • 25 ilaa 64 sano jir AMA u qalma ilmaha.
  • Xareeyay cashuur celinta federalka 2023.
  • U qalma dalabka Daynta Cashuurta Dakhliga La Heley (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka cashuur celintooda 2023 (ama buuxinaya shuruudaha EITC laakiin aan ku xaraynin ITIN).

Waa maxay xadiga dayntu?

Xadiga dayntu way kala duwan tahay oo waxay ku xidhan tahay tirada caruurta u qalanta iyo heerka dakhliga.

Xadiga ugu badan ee dayntu waxay u dhaxaysaa $315 ilaa $1,255 taas oo ku xidhan tirada caruurta u qalanta (eeg shaxda hoose). Xadiyan kadibna waa la yareeyaa iyada oo ku xidhan xadiga dakhliga, oo ku salaysan barnaamijka EITC ee federalka.

Daynta ugu yar waxaa weeye $50, iyada oo aan la eegeynin tirada caruurta u qalanta. Shuruucda Washington ee caruurta u qalanta ee raaca shuruudaha EITC ee federalka.

Tirada caruurta u qalanta Dalbaduhu waa inuu qaataa wax kayar ku soo socda Xadiga daynta ugu badan
  Madaxa Qoyska, Doob, Xaas (gaar u kala xaraynaya) Xaas (Wada xarayn)  
0 $17,640 $24,210 $315
1 $46,560 $53,120 $625
2 $52,918 $59,478 $940
3 $56,838 $63,398 $1,255


Sidee loo dalbanayaa?

Onleyn

Dalbashada iyada oo la isticmaalayo My DOR, nidaamkeena xaraynta ee onleynka ah ee amaanka ah. Waxaa lagu heleyaa Ingiriisi iyo Isbaanish.

Waraaqo

Soo dejiso arjiga PDF-ka si aad usoo dirto ama gacanta ka keen goobaha xafiiska (Ingiriisi iyo Isbaanish). Soo dejiso barnaamijka iyo tilmaamaha:

Efile

Dalbo adiga oo isticmaalaya sooftweerka diyaarinta. Eeg shirkadaha aad ka dalban karto. Helitaanka shirkad diyaarinta cashuurta ah (Ingiriisi iyo Isbaanish). Fadlan la soco shirkadahan inay kharash kaaga qaadi karaan isticmaalka adeegyadooda. Hel kaalmada xaraynta cashuurta oo bilaash ah ama qiimo jaban (Ingiriisi iyo Isbaanish).

 

Hel kaalmo