Department of Revenue waxaa ka go'an inay xaqiijiso in dhamaan macaamiisha loola dhaqmo si xushmad leh oo ay heli karaan adeegyadeeda. Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad soo gudbiso dalab hadii aad u baahan tahay kaalmo gaar ah, gelitaan ama macluumaadka oo ku qoran luuqad aan Ingiriisi ahayn. 

Wakhti xaadirkan, websaytka iyo barnaamijka onleynka ah waxaa lagu heli karaa Ingiriisi iyo Isbaanish, oo waraaqaha macluumaadka waxaa lagu heleyaa dhawr luuqadood. Arjiga waraaqaha ah waxaa lagu heli karaa Carabi, Ingiriisi, Khmer, Korean, Marshallese, Ruush, Jayniiska Fudud, Soomaali, Isbaanish, Tagalog, Jayniiska Hore, Yukrayni iyo Fiitnaamiis. 

Waxa aanu bixinaa turjubaad iyo macluumaad qoraal ah oo ku qoran luuqado kala duwan ama qaab kale (far waawayn, Farta Indhoolka, cod, fiidyaw, elektoroonig) bilaash ah

Si aad u dalbato turjubaad

La hadal: 360-763-7300

Si aad u gudbiso dalabka oo luuqado kale ah ama qaab kale ah

Onleyn: Isticmaal foomkan si aad u gudbiso dalabka.

La hadal: 360-763-7300

Isticmaalayaasha Teletype (TTY): 711

Waxa aad filan kartaa in lagugu soo celiyo 2 maalmood oo shaqo gudahood.

Hadii aad u baahan tahay kaalmo buuxinta arjiga ah, eeg Khayraadka dheeraadka ah.