Lacag Soo Celinta Canshuurta Qoysaska Shaqeeya (Working Families Tax Credit, WFTC) waa guditaanka canshuurta ee ka caawiya shaqaalaha reer Washington, iyo qoysaskooda inay helaan lacag dheeraad ah oo loosoo celiyo wakhtiga canshuurta. Gudista canshuurta qayb kamid ah canshuurta iibka ee sanad walba oo waxaa loo qaabayay barnaamijyada Daynta canshuurta Dakhliga Kusoo Galay (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka.
Lacag Soo Celinta Canshuurta Qoysaska Shaqeeya waxa uu siiyaa lacag u dhaxaysa $335 ilaa $1,330 shakhsiga dakhliga hoose ama dhexe si ay u buuxiyaan shuruudaha u qalmitaanka qaar.
Yaa u qalma?
Shakhsiyaadka iyo qoysaska u qalma Working Families Tax Credit Federalka ee buuxiyay dhamaan shuruudaha soo socda.
- Waa inuu qofku haysto Lambarka Amniga Bulshada (Social Security Number, SSN) ama Lambarka Aqoonsiga canshuur Biixyaha Shakhsiga ah (Individual Taxpayer Identification Number, ITIN).
- Degan tahay Washington ugu yaraan 183 maalmood canshuurta sanadkii (wax ka badan sanadkii).
- 25 ilaa 64 sano jir AMA ilmaha u qalma.
- Xareeyay canshuur celinta federalka 2025.
- U qalma dalabka Daynta canshuurta Dakhliga La Heley (Earned Income Tax Credit, EITC) ee federalka canshuur celintooda 2025 (ama buuxinaya shuruudaha EITC laakiin aan ku xaraynin ITIN).
- Qabo www.irs.gov/EITC si aad wax badan u ogaato.
Waa maxay shuruudaha dakhliga?
Xaddiga Canshuur Dhimista 2025 wuu kala duwan yahay wuxuna ku xiran yahay tirada carruurta u qalanta iyo heerka dakhliga.
Xaddiga dhimista ee ugu badan wuxu u dhexeeya $335 illaa $1,330, wuxuna ku xiran yahay tirada carruurta u qalanta. Xaddiyadan intaas ka dib waa la dhimaa si waafaqsan heerarka dakhliga, si la mid ah barnaamijka federaalka ee Xaddiga Canshuur Dhimista (Earned Income Tax Credit, EITC). Xaddiga dhimista ugu yar waa $50, iyada oo aan loo eegayn tirada carruurta u qalanta. Shuruucda Washington ee caruurta u qalanta ee raaca shuruudaha EITC ee federalka.
Codsadayaashu waa inay kasbadaan wax ka yar dakhliyadan soo socda si ay u helaan canshuur dhimis.
| Tirada carruurta u qalanta | Keli ah, Madaxa Qoyska, Xaas leh(canshuurta kala gaar u buuxinaya) | Xaas leh (isla buuxinaaya) | Lacagta ugu badan ee la celin karo |
|---|---|---|---|
| 0 | $19,104 | $26,214 | $335 |
| 1 | $50,434 | $57,554 | $660 |
| 2 | $57,310 | $64,430 | $995 |
| 3 | $61,555 | $68,675 | $1,330 |
Codso sanad canshuureedka hore 2024 2023 2022
Sidee loo dalbanayaa?
Onleyn
Dalbashada iyada oo la isticmaalayo My DOR, nidaamkeena xaraynta ee onleynka ah ee amaanka ah. Waxaa lagu heleyaa Ingiriisi iyo Isbaanish.
Waraaqo
Soo dejiso arjiga PDF-ka si aad usoo dirto ama gacanta ka keen goobaha xafiiska (Ingiriisi iyo Isbaanish). Soo dejiso barnaamijka iyo tilmaamaha:
Efile
Dalbo adiga oo isticmaalaya sooftweerka diyaarinta. Eeg shirkadaha aad ka dalban karto. Helitaanka shirkad diyaarinta canshuurta ah (Ingiriisi iyo Isbaanish). Fadlan la soco shirkadahan inay kharash kaaga qaadi karaan isticmaalka adeegyadooda. Hel kaalmada xaraynta canshuurta oo bilaash ah ama qiimo jaban (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Hel kaalmo
Hel kaalmo bulshadaada ah
Waxa aanu kala shaqaynay hay'adahan deegaanka ah (Ingiriisi iyo Isbaanish) si aad u bixiso kaalmo deegaanka ah iyo wacyi gelin ku saabsan Working Families Tax Credit. Waxa aanu bixin karnaa waxbarasho iyo kaalmo xaraynta arjiyada ah.
Khidmad dheeraad ah oo khidmada ah.
Marka laga tago cida aanu kala shaqayno bulshadeena, waxaa jira khayraad dheeraad ah oo waxaa kamid ah diyaarinta canshuurta dadka wakhtigooda ku deeqa iyo khayraadka dhaqaale. Macluumaad dheeraad ah ka oggow (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Paano hihiling ng pagsusuri
Hadii aad doonayso in qof kala nalaga hadlo arjigaaga ama macluumaadka xisaabtaa WFTC, waa inaad na siisaa ansixin qoraal ah adiga oo isticmaalaya foomkeema: Ogolaanshaha Macluumaadka canshuurta ee Sirta ah (PDF).
Miyaad hore u gudbisay arjigaaga?
Eeg xaaladaada guditaanka (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Dalbo qaab kale ama luuqad kale iyada oo ah
Si aad u dalbato macluumaadkan oo qaab ama luuqad kale ah, la hadal 360-763-7300 ama iimeel u dir DORWFTC@dor.wa.gov, ama buuxi Foomka Dalabka Adeega Luuqada ama Qaabka Kale ah. Isticmaalayaasha Teletype (TTY) fadlan garaac 711.
Dalbo qiimayn
Hadii aanad ku qancin go'aanka ku saabsan arjigaaga WFTC, waxa aad xaq u leedahay inaad dalbato dib u eegid. Waxa aanu ugu yeedhnaa "dalabka dib u eegista."
Waxa aad dalban kartaa dib u eegista xaaladaha soo socda:
- Qiimaynta lacag badan qaadashada.
- Diidmada arjiga.
- Helitaanka wakhtiga go'aan ah oo ka socota waaxda.
Dalabka qiimaynta waa in lagu helaa 30 maalmood gudahood oo ka bilaabanta taariikhda go'aanka, sida taariikhda warqada ama amarka aad heshey. Dalabyada qiimaynta ee lagu soo diro US Postal Service oo loo arkaa taariikhda boosta inay tahay xaraynta. Dalabyada dib u eegista ee lagu xareeyay qaab kale waxaa loo arkaa xaraynta taariikhda la heley.
Sida loo dalbado dib u eegista
Sida loo dalbado dib u eegista, waa inaad xaraysaa dalabka qoraalka ah.
Lacag ka badan inta la ogol yahay qaadashada
Hadii laguu qiimaynayo lacag dheeraad ah oo lagu siiyay, waxa aad xarayn kartaa Dalabka Dib u Eegista adiga oo adeegsanaya mid kamid ah ikhtiyaarada soo socda:
- Onleyn ahaan iyada oo la isticmaalayo My DOR. Eeg tilmaamaha (Ingiriisi iyo Isbaanish).
- Waraaqo ahaan adiga oo istimcaalaya Dacwada Dib u Eegida Working Families Tax Credit.
Xaalado kale
Dhamaan xaaladaha kale, fadlan isticmaal Dacwada Dib u Eegida Working Families Tax Credit.
Wakiilka sharci
Waxa aad dalban kartaa wakiil ama qof kale oo ku matalaya (sida xisaabiye ama diyaariye canshuur). Laakiin, hadii aad leedahay wakiil, waa inaad buuxisaa oo aad saxeexdaa foomka Ogolaanshaha Macluumaadka canshuurta ee Sirta ah (PDF) WFTC ee nasiinaya ogolaanshaha inaan kala hadalno macluumaadkaaga canshuurta wakiilkaaga. Si ay kuugu haboonaato, foomka dalabka waxaa la socda qaybta Ogolaanshaha Macluumaadka canshuurta ee Sirta ah ee aad saxeexayso.
Nagu soo casuun si aanu uga hadalno
Si aad ugu soo casuunto cid ka hadasha oo adiga ama hay'adaada matalaysa, fadlan iimeel u dir DORWFTC@dor.wa.gov si aad u qabsato balan.
Wacyi Gelinta Gudida Latalinta
Waaxda Dakhliga (Department of Revenue, DOR) waxay u sheegtay Wacyi Gelinta Gudida Latalinta inay hormariyaan qaabka loola xidhiidhayo shakhsiyaadka dalbanaya Daynta canshuurta Qoyska Shaqeeya (WFTC) iyo cida la shaqaysa si loogu sameeyo wacyi gelinta barnaamijka cusub. Macluumaad dheeraad ah ka oggow (Ingiriisi iyo Isbaanish).
Gudbi cabashada
Hadii aad dalbatay, laakiin AANAD helin, adeegyada shaqaalaha ama wakiilka Department of Revenue iyada oo ah qaab kale ama luuqad kale (oo waxaa kamid ah adeegyada luuqada dhagoolka), waxa aad soo gudbin kartaa cabashadaada.
Su'aalo?
Iimeel DORWFTC@dor.wa.gov ama la hadal 360-763-7300. Adeegyada turjubaada ayaa la heleyaa.